Nin da’ ah oo lagu dilay banaanka Masjid

Booliska ayaa sheegay in ninka la dilay lagu Magacaabi jiray Xuseen Sheekh Muxumad Sandheere, iyagoo baaritaan ku haya kiiska dilkiisa.

Warar Keydmedia Online
Nin da’ ah oo lagu dilay banaanka Masjid

MUQDISHO, Soomaaliya - Goobjooge ayaa sheegay in koox hubeysan ay xalay oday Soomaaliyeed ay ku dileen xaafad lagu magacaabo Kurdamac, oo katirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir. Lama oga sababa dilkan ka dameysay.

Xuseen Sheekh Maxamuud Sandheere ayaa lagu magacaabi jiray marxuumka, waxayna laamaha amnigu sheegeen in Kooxda hubeysan ay dhowr xabadood kaga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa, taasoo sababtay in uu ku geeriyoodo goobta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.