Nin lagu toogtay gobolka Gedo

Qadar Maxamed Boqor oo lagu helay inuu dilay askari magaciisa lagu sheegay Axmed Cabdi Barre bishii September ayaa lagu toogtay Magaalada Luuq ee gobolka Gedo.

Warar Keydmedia Online
Nin lagu toogtay gobolka Gedo

LUUQ, Soomaaliya - Qadar Maxamed Boqor ayaa lagu toogtay degmada Luuq, ee gobolka Gedo kadib markii Maxkamad Ciidan ay heshay dembi ah bishii lasoo dhaafay.

Maxamed Aadan oo ah gudoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in Qadar uu askari ku dhex dilay September saldhig boolis oo degmada ku yaalla, waxaana qoyska marxuumka ay dalbadeen in loo qisaaso, iyagoo diiday diyo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.