Qarax ka dhacay Hotel Maka Al-Mukaramma

Muqdisho (KON) - Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ay Caawa Gacanta ku dhigay Nin watay Waxyaabaha Qarxa oo doonayey in uu Gudaha u galo Hotel Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Hotel Maka Al-Mukaramma

Ninkaan ayaa la sheegay in Ciidamada Ilaalada Hottelka iyo Kuwa Boooliska Soomaalia ay qabteen xili uu doonayey in uu gudaha u galo Hotelka Maka Al-mukarama oo ay dagan yihiin Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Siyaasiyiin.

Qarax ka dhacay Hotelka

Daqiiqado kadib markii Warkaas la shaaciyay waxaa Hotelka laga maqlay Qarax Xoggan oo laga maqlay Xaafadoo dhan.

Wariyaha Daqiiqado kadib tagay Goobta ayaa noo sheegay in Ciidamada ay fureen Rasaas kadib markii uu Ninka damcay in uu Cararo, waxaana Rasaastaas ku dhawacmeen Labo ruux oo rayid ah. Sidoo kale Qarax xooggan ayaa Daqiiqado kadib ka dhacay Hotelka, walina lama Xaqiijin in Qaraxaan uu ka dhacay gudaha Hotelka ama Banaankiisa.

Warar Iskhilaafsan ayaa laga helayaa Goobta Qaraxa uu ka dhacay, waxaana jira Warar hordhac ah oo sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay Banaanka Hotelka.

  • Update: 19:30 - Saacadda Mudisho

Xildhibaano Wariyaha Keydmedia ee Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in Qaraxa uu ka dhacay Afaafka hore ee Hotelka, waxna soo gaarin Hotelka ama Dadka ku sugnaa Goobta.

Waxaa ilaa iyo hada la xaqiijiyay Labo Qof oo ku dhaawacayntay Is-rasaaseynta.

  • Update: 19:38 - Saacadda Mudisho

Gaari Walaxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku Qarxay Afaafka hore ee Hotelka, waxaana haatan Goobta tagay Ciidamo badan oo wada Baaritaan.  

  • Update: 19:44 - Saacadda Mudisho

Gaadiidka Gurmadka Guuxooda ayaa laga maqlayaa Agagaarka uu Qaraxa ka dhacay, Dariiqanah wuu xirinyahay oo Wariyaasha waa loo diiyay in ay gudaha u galaan, sidaas daraadeed ma Waqtigaan Xaadirka ah ma heli karno Warbixin Waafi ah oo intaan dhaafsiisan.

Warar aan wali la xaqiijin oo aan ka heleyno Askari ku sugan Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa sheegaya in Dad ay ku dhinteen Qaraxa, waxuuna sheegay Askarigaan in Qaraxa uu dhacay kadib markii Dadkii Hotelka ku jiray laga soo saaray Hotelka oo intooda badan ay joogeen Banaanka Hotelka.

  • Update: 20:03 - Saacadda Mudisho

Wararka ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 Qof ay ku dhinteen Qaraxa, halka Dad badan ay ku dhaawacmeen. Dadka dhaawaca ah ayaa la sheegay in uu kamid yahay Xildhibaan iyo Wariye.

Warbixin iyo Sawirro waxaan idin soo gudbin doonaa hadii alle idmo Bari Subax.

Wixii Wararkaan kusoo kordha kala soco Keydmedia.net

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.