Intee la egyahay Qasaaraha ka dhashay dagaalka Guriceel?

Dadka ku dhintay waxaa ku jira taliyihii Ciidanka Danab ee Galmudug iyo askar dhowr ah, kuwaasoo lagu dilay weerar rogaal-celis ahaa oo Ahlu Sunna soo qaadey.

Warar Keydmedia Online
Intee la egyahay Qasaaraha ka dhashay dagaalka Guriceel?

MUQDISHO, Soomaaliya - Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 20 qof oo u badan askar ayaa ku dhimatay dagaal saacado badan qaatay oo shalay oo Sabti ahayd ka dhacay degmada Guriceel.

Dadka lagu dilay dagaalka waxaa kamid ah taliyeyaal, uu ugu darajo sareeyo Gaashaanle C/ladhiif Fayle, kaasoo u dhintay dhaawac soo gaarey kadib markii Ahlu Sunna soo rogaal celis.

Askar badan oo Danab iyo Haramcad isagu jira ayaa sidoo kale naftooda ku waayay duulaanka Gurcieel, oo Ahlu Sunna u tahay saldhig, islamarkaana laga saarey Galmudug October 1.

Dhaawaca waxa uu gaarayaa illaa 50, oo dhinacyada u badan, waxaana qaarkood la dhigay Isbitaalka Guriceel, halka kuwa culus la filaya in saacadaha soo aadan Xamar la geeyo.

Guriceel oo ahayd meel degan, oo dadkeeda nabad ku noolaayeen ayaa Maanta noqotay saaxad dagaal, waxaana ku daadanaya dhiig Soomaaliyeed, waxaa is dilaya dad sokeeye ah.

Ahlu Sunna ayaa dib u qabsatay magaaladda, waxaana jira warar sheegaya in Ciidanka dowladda wali sugan yahiin dhinac kamid ah, intasoo inta badan degmada ku jirto gacanta ASWJ.

Xaaladda ayaa wali cakiran, waxaana laga baqayaa in dagaal kale qarxo, iyadoo Ciidanka dowladda ay u muuqdaan kuwa diyaar u ah inay sii wadaan dagaalka magaalada Guriceel.

Waxaa baaqyo loo jeedinayo dhinacaya dagaalka, oo ka imaanaya Muqdisho, gudaha Galmudug iyo dibadda iyadoo laga dalbadey DF iyo Ahlu Sunna inay joojiyaan colaadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.