Oday-dhaqameedyo saluugsan nidaamka Galmudug

Oday-dhaqameedyada beesha Dhuusamareeb ayaa dhaliilay habka ay wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ay u maamuleyso dhismaha golaha deegaanka magaalada Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Oday-dhaqameedyo saluugsan nidaamka Galmudug

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Kulan ay iskugu yimadeen Magaaladda Dhusomarreeb ee  xarunta dowla goboleedka Galmudug Odayaasha dhaqanka Beesha Ceyr Waqooyi iyo Koofur ayaa waxa ay si adag uga soo horjeesteen habka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ay u qeybineyso dhismaha Golaha Deegaanka Dhusamarreeb.

Dhismaha golaha deegaanka ee magaalada Dhuusamareeb ayaa jiitan galay iyadoo sanadkii dhammaaday ee 2020 la billaabay ololaha dhismaha golaha deegaanka ee Degmada Dhuusamareeb, walina waxaa ka jira is qab-qabsi xoog leh oo ku saleysan sida wax loo qeybsanayo.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Galmudug ayaa howsha wadda, waxayna dooneysaa in ay iyadu maamusho iyadoo aan laga tala-galin Oday-dhaqameedyada kasoo jeeda deegaanka doorashadiisa la qabanayo, waxaana maanta magaalada Dhuusamareeb isugu yimid Oday-dhaqameedyada beesha Ceyr ee Waqooyi iyo Koonfur kuwaasoo hab wax ku qeybsi hore oo ay lahaayeen doonaya in ay wax ku qeybsadaan, balse ay diidday wasaaradda arrimaha gudaha ee Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.