Odayaasha Waqooyga Galkacyo oo Faroole eedeyn u jeediyay

GALKACYO(KEYDMEDIA) Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda dhanka waqooyi ee magaalada Galkacyo ayaa ku eedeeyay maamulka C/raxmaan Faroole uu hogaamiyo inuu dayacay ammaanka isla markaana dhibaatada odayaasha iyo shacabka loogu geesto waqooyga Galkacyo uu abaabulkeeda wax ka ogyahay.
Warar Keydmedia Online
Odayaasha Waqooyga Galkacyo oo Faroole eedeyn u jeediyay

Hadalkan ayaa ka danbeeyay kadib markii maalmihii la soo dhaafay waqooyga Galkacyo ay ka dhaceen dilal iyo dhibaatooyin kale duwan kuwaasoo maamulka Faroole aanu waxba ka qaban waxaana inta badan dilalka loo geestay dad hora uga tirsanaa maamulka oo shaqadii iska casilay.

Maamulka Faroole uu hogaamiyo ayaa waqti badan waxa uu ku bixiyo falal ku saleysan takoor iyo dhibaateyn Shacab isagoona iska indha saaba dalabyada uga yimaada dhanka dadka.

Www.keydmedia.net