Heshiiska Qaadka oo lagu tilmaamay ‘Xaaraan xalaal ku bedelo’

Dhaqaalo-yahanka caanka ah ee Prof Yaxye Sheekh Caamir, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Dowladdu xaaleyso, wax Alle agtiisa danbi ka ah, adduunka Sun ku ah, kadeed iyo keyd-xaalufinna u dheer tahay.

Warar Keydmedia Online
Heshiiska Qaadka oo lagu tilmaamay ‘Xaaraan xalaal ku bedelo’

MUQDISHO, Soomaaliya - Prof Yaxye Sheekh Caamir, oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaalida, gaar ahaan kuwa ku takhsusay dhaqaalaha, ayaa saddex qodob ku sifeeyay Sunta Itoobiya (Qaadka) ee Dowladdu maanta ku dhawaaqday in lagu soo badali doono, Kheyraadka aan dunida rabbi wada makanin ee Mallaayga Soomaaliya.

Sida ay hore u baahisay Keydmedia Online, Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa maanta lagu kala saxiixday heshiiska ay labada dal isku dhaafsanayaan kheyraadka Soomaaliya iyo Sunta Cagaaran ee Itoobiya.

Aqoonyahanka, oo ay la yaab ku noqotay, jidkaan cusub ee Dowladda Farmaajo u jeexday ganacsiga qaadka ayaa ku sifeeyay saddex qodob, kuwaas oo kala ah;

  1. Sun,  Soor ku bedelasho.
  2. Xaaraan, Xalaal  ku bedelasho.
  3. Karaahiyo, keeydkaa ku bedelasho.

“Dhinaca Siyaasadda iyo Dhaqaalaha, Sababta la isagu bedesho iyo danta laga leeyahay waan fahmi karaa, laakin, dhinaca bulsho, danta ku jirto ma fahmin”. Ayuu yiri aqoonyahan Yahya Amir.

Dowladda uu waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo ayaa ganacsiga Qaadka u leexisay dalka Itoobiya, waxaana lagu naas-nuujiyay dad gaar ah oo uu ka mid yahay Xasan Cabdullahi Farmaajo, oo la dhashay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.