Puntland iyo Jubbaland oo war-saxaafadeed ka soo saaray shirkii Dhuusamareeb 3

Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in shirkii Dhuusamareeb aysan jirin cid ku metesha, sidaa daraadeed wixii ka soo baxay ay u gaar yihiin aragtida ka qeyb galayaasha kaliya. 

Warar Keydmedia Online
Puntland iyo Jubbaland oo war-saxaafadeed ka soo saaray shirkii Dhuusamareeb 3

MUQDISHO, Soomaaliya - Puntland iyo Jubbaland oo soo saaray war-murtiyeed wadajir ah ayaa waxay ku caddeeyeen in aanay qeyb ka aheyn laguna matalin shirkii ka dhacay Dhuusamareeb, kaasoo u dhaxeeyay madaxweyne Farmaajo, maamulada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo gobolka Banaadir.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa hoosta ka xariiqay in ay dhaceen qalalaase siyaasadeed intii u dhaxeysay shirkii Dhuusamareeb 2 iyo 3, arrintaas oo ay horay uga digeen, tallooyin ka soo jeediyeen.

Sidoo kale war-saxaafadeedka wadajirka ayaa lagu sheegay in iyadoo la ixtiraamayo qodobadii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb 3 ay yihiin kuwa kooban kaliya aragtida ka qeyb galayaasha oo aysan Puntland iyo Jubbaland qeyb ka aheyn.

"Dowladdaha Jubbaland iyo Puntland, waxay iyagoo ixtiraamaya aragtida ka qeyb galayaasha caddeynayaan in qodobada qoraalkii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb 19 August 2020 ee ku aadanaa soo jeedinta hannaanka doorashda dalka ay tahay aragti ku kooban Madaxdii ka qeyb gashay Shirka oo ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed." ayaa lagu yiri qoraalka. 

Ugu dambeyntii maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa Beesha Caalamka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ay la garab taagantahay dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo dadaalka ay u gashay dib u dhiska hay'adaha dowladda, si loo helo amni, xasilooni iyo hormar dhaqaale.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.