Puntland oo go’aan kasoo saartay Ismari-waagga taagan

Waxaa qoraalka lagu sheegay in hadii dib loogu noqon waayo ay Puntland qaadi doonto tallaabo aysan sheegin waxay noqon doonto.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo go’aan kasoo saartay Ismari-waagga taagan

GAROWE, Soomaaliya - Maamulka Puntland ayaa qoraal uu soo saarey xalay saqdii dhexe ku caddeeyay Mowqifkiisa ku aadan xaaladda siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, oo Farmaajo albaabadooda soo laabay horaantii bishan.

Go'aanka cusub ee Puntland oo ka kooban 7 qodob, waxaa u badan baaqyo ah in la ilaaliyo midnimada iyo wadajir iyo fariimo loo dirayo Beesha caalamka, waxaana ka muuqda in maamulka Deni uu ka fekerayo inuu joojiyo xiriirka wadashaqeynayd ee Villa Somalia.

Qodobada waxaa kamid ah:

1 - In Puntland aysan aqoonsanayn Muddo-kordhinta Farmaajo

2 - In heshiiskii Sep 17 uu yahay hanaanka kaliya ee loo mari karo xalinta khilaafka doorashadda

3 - In dib loogu laabto Miiska Wada-hadalka

4 - Inay soo dhaweynayso cid kasta oo kaalin ka qaadanaysa xal u helida khilaafka

5 - In ay tallaabo ka qaadeyso cid kasta oo isku dayda inay xasilooni darro ka abuurto Puntland

Madaxweyne Deni wuxuu Muqdisho ku xannibnaa mudo bil ah, iyadoo loo diiday inuu ka baxo kadib markii Mareykanka isaga iyo Axmed Madoobe ku amray inaysan dib ugu laaban karin degaanadooda inta heshiis laga gaarayo arrimaha la isku hayo ee doorashadda.

Villa Somalia ayaa ku eedeysay Deni iyo Axmed Madoobe inay caqabad ku noqdeen doorashadda kadib markii ay shuruudo culus ay miiska soo saaraan, kuwaasoo Farmaajo ku adkaatay inuu fuliyo, waxaana kamid ah in Ciidanka DF laga soo qaado Gedo, oo maamulka lagu wareejiyo Jubbaland.

Fashilka Shirkii Afisyooni si kasta haku yimaadee, wuxuu fursad u noqday Farmaajo oo muddo-kordhin labo sano ah sameystay, iyadoo taasi meesha ka saartay rajadii laga qabay in la qabto doorasho dadban.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].