Puntland oo howlgal Daacish lagu baacsanaayo fulisay

Ciidamada Puntland ayaa qaaday howlgal qorsheysan oo lagu baacsanayo kooxda Daacish ee ka dagaallanta dhulka buuraha ah ee Puntland

Warar Keydmedia Online
Puntland oo howlgal Daacish lagu baacsanaayo fulisay

BOOSAASO, Soomaaliya - Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa fuliyay howlgal qaatay 48-saac oo ay ciidamada loo yaqaan Puntland Security Force ku qaadeen degaannada Baraagaha Madax Madow iyo Dhabancaddo Ee Buuraha Cal Miskaat oo  hoostaga degmada Balidhidin ee gobolka Bari, waxaana lagu beegsaday goobo ay Daacish ku sugnaayeen.

Howlgalkan oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa waxay sheegeen in ay jab xoog leh u geysteen maleeshiyaadka Daacish iyada oo ay ciidamadu ka dileen kooxda Daacish in ka badan 24 xubnood sida lagu shaaciyay barta Facebook -ga ay ku leeyihiin ciidamada Puntland PSF.

Waxaa kale oo gabi ahaanba ay ciidamadu burburiyeen  xaruntii ay Daacish halkaas ku lahaayeen oo ay ku kaydsanaayeen sahay iyo saanad badan oo ay Daacish lahayd, isla mar ahaantaana waxay ciidamadu gubeen  2 gaari  oo ay ku xireen  qaraxyo diyaarsan, oo ay doonayeen in ay soo geliyaan magaalada Bosaso si ay ugu waxyeelaan shacabka aan waxba galabsan.

Waxay sheegeen ciidamadu intii howlgalkani uu socday inay jiraan khasaare aad u kooban oo ka soo gaaray ciidamada Puntland ee howlgalkaasi fulinayay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.