Puntland oo ka hadashay weerarkii degaanka Wisil

Maaamul goboleedka Puntland ayaa dhiggiisa Galmudug uga tacsiyeeyay weerarkii shalay dadka badan ku naf waayeen ee ka dhacay degaanka Wisil.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo ka hadashay weerarkii degaanka Wisil

GAROWE, Soomaaliya - Maamulka Puntland ayaa Dowladda iyo shacabka Galmudug uga tacsiyeeyay weerarkii kooxda Al-Shabaab shalay ku qaadeen degaanka Wisil ee hoos tagay degmada Hobyo, koofurta gobolka Mudug.

War ka soo baxay xaafiiska Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa lagu yiri, “Waan uga tacsiyeynayaa dowladda iyo shacabka Galmudug weerarkii gaadmada ahaa ee kooxaha argagixisadu kusoo qaadeen deegaanka Wisil ee koonfurta gobolka mudug, Eebbe naxariistii jano haka waraabiyo intii ku shahiiday inta dhaawaca ahna alle ha u booga dhayo”.

Garaash wuxuu shacabka ku bogaadiyay sida geesinimada leh ee ay iskaga difaaceen kooxaha kasoo horjeeda amniga iyo horumarka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Puntland diyaar u tahay, in labada dhinac iska kaashadaan amniga gobolka.

In-ka-badan 30 ruux oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah, ayaa ku geeriyooday dagaalkii shalay, mana muuqato qabanqaabo uu wado maamulka Galmudug oo looga hor tagayo dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayaan dadka degaanka.

Galmudug iyo Puntland ayaa sanadkii hore Gaalkacyo ku kala saxiixday heshiis ay labada maamul isaga gaashanayaan aminag Gobolka Mudug, kaas oo ay soo diyaasiyeen Wasiirrada amniga labada dhinac.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.