Puntland oo soo gudbisay xubno laga sugayay

Illaa hadda Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa soo gudbiyay xubnaha laga sugayay, waxaana dhiman Galmudug, HirShabeelle iyo Jubbaland.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo soo gudbisay xubno laga sugayay

GAROWE, Soomaaliya - Puntland ayaa magacawday afar xubnood oo ku matali doona gudiyadda doorashooyinka heer qaranka iyo heer Federaal, oo waqtigii lagu heshiiyay in la dhiso labo jeer dib u dhac ku yimid.

Warqad ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Saciid Deni oo ku socota xafiiska Ra'iisul wasaare Rooble ayaa lagu dhaaciyay magacaabista C/weli Tima-Cadde, Muuse Geelle Faroole, Burhaan Cilmi Filig iyo gabar la taliye madaxweyne ah.

Rooble ayaa maalmo ka hor warqad u qoray hogaamiyaasha Maamullada si ay ugu soo gudbiyaan liiskooda xubnaha uga wakiilka noqon doono gudiyadda doorashooyinka ugu dambeyn 20-kii bishan, oo labo maalmood ka gudubtay.

Galmudug, Hirshabeelle, iyo Jubbaland ayaa sidoo kale lagu wadaa inay xubnahooda u gudbiyaan Ra'iisul Wasaaraha dalka, oo u muuqday inuu ka gaabinayo arrimaha diyaarinta doorashadda, oo hal bil kahartay.

Doorashadda waxay billaabanaysaa 1-da December 2020, oo Senator-ka ugu horeeya la dooran doono, iyadoo ay socon doonto illaa February 8, 2021 oo Madaxweynaha la dooranayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 December 2020 6:01

Xaraashka Shidaalka Soomaaliya ee ka socda Turkiga ayaa imaanaya, iyadoo oo anay wali dhamaystirnayn hay'adihii uu sharcigu farayay inay ka shaqeeyaan arrimaha la xiriira khayraadka dalka.