Q.M. oo baaq kasoo saartay dagaallada Muqdisho

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa baaq ujeediyay dhinacyada ku dagallamaya magaalada Muqdisho, welina isku hor fadhiya.

Warar Keydmedia Online
Q.M. oo baaq kasoo saartay dagaallada Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Soomaaliya ayaa war qoraala oo ku saabsan rabshadihii shalay ilaa xalay ka dhacayay magaalada Muqdisho kasoo saaray, waxaana dhinacyada loogu baaqay in ay is xakameeyaan.

"Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn." ayaa lagu yiri qoraalka.

Rabshadihii shalay soo billowday ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sabab u ah arrinta muranka dhalisay ee doorashooyinka, waxaana dhinacyada loogu baaqay in rabshaduhu aysan xal noqon karin marnaba, loona baahan yahay in miiska wadahadalka lagu laabto "Rabshaddu xal uma ahan is mariwaaga siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaabaan wadahadal degdeg ah." ayaa lagu yiri qoraalka rasmiga ah ee kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.