Qaabka uu u dhacay Qarax Wasiir lagu dili lahaa Puntland

Miinada waxay haleeshay mid kamid ah gaadiidka galbinayay Wasiirka oo kusii jeeday degaanka Balli-Dhidin.

Warar Keydmedia Online
Qaabka uu u dhacay Qarax Wasiir lagu dili lahaa Puntland

BOOSAASO, Soomaaliya - Cabdisamad Maxamed Gallan, Wasiirka Amniga Puntland ayaa fahfaahin ka bixiyay qaabka uu u dhacay qarax maanta lagula eegtay degaanka Balli-Dhidin, oo hoostaga degmada Qandalla, ee gobolka Bari.

Wasiirka ayaa xusay in miinada ay ahayd mid jidka loogu soo diyaariyay kahor inta uusan kasoo ambabixin Tuuladda Isku-shuban, isaga iyo Saraakiil kale oo uu kamid yahay taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Miinada ayuu sheegay in lagu qarxiyay gaadiidkii Kolonyada uu la socday xili ay kusii jeedaan Balli-Dhidin, waxaana goobta uga geeriyoodey hal askari, iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex kale, oo isbitaalka la dhigay.

Wafdi Wasiirka ayaa safarkiisa sii watay, wuxuuna saacad kadib gaarey Balli-Dhidin oo ay kusii jeedeen, halkaasoo ay ka socdaan guluf iyo dhaq-dhaqaaq Ciidan oo ka dhan ah kooxaha argagaxisadda.

Wasiir Gallan oo horey usoo noqday gudoomiyaha gobolka Bari ayaa ku eedeeyay Daacish inay ka dambeyso qaraxii Maanta lala damacsanaa in isaga lagu khaarijiyo, balse ka badbaaday.

Puntland ayaa waxaa fara ba'an ku haya Daacish iyo Al-Shabaab oo ku sugan Buuraha Galgala iyo Cal-madow oo katirsan gobolka Bari, waxayna labada Koox canshuur ka qaadaan ganacsiga Boosaaso.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.