Qaar kamida midowga musharaxiinta oo kulan gaara yeeshay

Qaar kamida golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho

Warar Keydmedia Online
Qaar kamida midowga musharaxiinta oo kulan gaara yeeshay

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharaxiinta Madaxweynaha kala ah Cabdikariin Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdinaasir Cabdulle ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay Hotelka Decale ee gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Musharaxiintan oo kulan gaar u ah yeeshay ayaa ka mida Golaha ay ku mideysan yihiin Musharaxiinta.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay is baheysi ka dhex bilowday Midowga Musharaxiinta, waxaana billowday ololihii doorashada iyadoo ay si hoose isku wareysanayaan musharaxiinta oo markoodii hore isku ujeeddo ahaa, kana soo horjeeday inuu kursiga iska sii haysto madaxweynaha waqtigiisu dhammaday ee Farmaajo.

Xubnaha kulanka gaarka ah yeeshay ee midowga musharaxiinta ka tirsan ayaa yeeshay kulankoodii ugu horreeyay, iyadoo uusan jirin kulan hore oo dhex maray saddexdan musharrax oo lagu tiriyo kuwa ugu saameynta badan musharaxiinta utaagan xilka madaxweynaha Soomaaliya 2021

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.