Qalbi Dhagax oo mar kale Farmaajo ku eedeeyay mas’uuliyadda dhiibistiisii

Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa Halgame ka tirsanaa Ururka ONLF ee ka dagaallami jiray Itoobiya ayaa mar kale mas'uuliyadda dhiibistiisa dusha ka saaray Farmaajo

Warar Keydmedia Online
Qalbi Dhagax oo mar kale Farmaajo ku eedeeyay mas’uuliyadda dhiibistiisii

MUQDISHO, Soomaaliya - C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayaa sheegay in mas'uuliyadda koowaad ee xariggiisa ay dusha ka saaran tahay Madaxweyne Farmaajo oo ah Madaxweynaha ay ummaddaan dooratay, halka intii kale ee qeybta ka aheyd ay ahaayeen kuwo magacaabis Madaxweyne ku yimid.

C/kariin Qalbi Dhagax ayaa hadalkan yiri kaddib markii shalay uu cafis weydiistay Xasan Cali Khayre Ra'iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame dhacdadii ka dhacday guriga Xisbiga Wadajir ee lagu dilay 6 Askari, waxa uu sheegay inay fiicnaan laheyd in Xasan Cali Kheyre wixii uu ku leeyahay iyo qeybtii uu ku lahaa dhiibdidiisa inuu u sheego shacabka Soomaaliyeed.

"Dambi kasta oo dhacay qeybta koowaad ama mas'uuliyadda koowaad waxaa is ka leh Madaxweynaha ummaddaan dooratay, dadka intiisa kale digreeto Madaxweyne lagu soo magacaabayay oo Baarlamaanka lagu geynayay, Mas'uuliyadda koowaad waxay fuuleysa oo lagala xisaabtami oo is ka leh Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo"ayuu yiri C/kariin Qalbi Dhagax.

Madaxweyne Farmaajo ayaan marnaba ka hadlin dhacdadii lagu dhiibay Qalbi Dhagax, taasoo loo gacan galiyay dowladda Itiibiya, inkastoo Ra'iisulwasaaraha cusub ee Aby Axmed uu dib usoo celiyay Xorriyaddiisii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.