Qaramada Midoobay oo baaq u dirtay Soomaaliya

Xogta UNICEF ayaa sheegeysa tirada haweenka Soomaaliya ee mara gudniinka fircooniga in ay tahay 98% boqolkiiba guud ahaan Hablaha Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
Qaramada Midoobay oo baaq u dirtay Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya -  Qaramada Midoobay ayaa mar kale ku celisay baaqii ay hore ugu dirtay dowladda Soomaaliya ee ahaa in ay soo saarto sharci lagu joojinayo gudniinka fircooniga ah ee dalka ka socda.

Bayaan soo baxay Maalinta Caalamiga ah ee Dulqaad la'aanta Gudniinka Fircooniga ah, ayuu Anders Thomsen, oo ah wakiilka Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay (UNFPA) ee Soomaaliya ku yiri, "Gudniinka Fircooniga ah waa dhaqan waxyeello leh oo cabsi geliya gabdhaha iyo haweenka, khatarna geliya caafimaadkooda iyo noloshooda”.

"Waxaan jeclaan lahaa inaan mar kale ku celiyo baaqa ah in Dowlada Soomaaliya ay meel mariso sharciga u dulqaad la'aanta Gudniinka Fircooniga” ayuu sidoo kale yiri Anders Thomsen.

Sida lagu sheegay sahankii ugu dambeeyay ee daraasadda tirakoobka iyo Caafimaadka ee Soomaaliya, 99% haweenka da'doodu u dhaxayso 15 ilaa 49 jir ayaa lagula kacay dhaqankan Gudniinka Fircooniga ah.

Gudniinka Fircooniga ah ayaa Soomaaliya ka ah Caado dhaqameed, waxaana ka deyriyay dhaqaatiirta caafimaadka iyo Culumada Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.