Qaramada Midoobay oo xafiis ka furaneysa Galmudug

Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa waxay xafiis ka furaneysa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo wafdi hor-dhac ah uu maanta gaaray halkaas.

Warar Keydmedia Online
Qaramada Midoobay oo xafiis ka furaneysa Galmudug

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya Magaalada Dhuusamareeb ee dowlad goboleedka Galmudug waxaa soo gaaray xubno ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, xubnahan oo isugu jiray farsmo yaqaanno iyo khubaro amni ayaa waxaa hoggaaminayey Tomoko kubota, iyadoo ujeedka socdaalkoodu la-xiriiray hubinta iyo sahminta halka loo asteeyay inay noqoto xafiiska Qaramada Midoobay ee Galmudug.

Kaddib howlgalkooda u kuurgelidda iyo sahminta ee xaruntooda Galmudug, waxay xarunta madaxtooyada kulan kula qaateen madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo halkaa kusoo dhaweeyey isla markaana bogaadiyay in Qaramada Midoobay ay xarun ka sameystaan Galmudug.

"Waan soo dhaweynaynaa in hay'daha kala duwan ee Qaramada Midoobay ay ka howlgalaan Galmudug, xafiisna ay ka furtaan, si ay ugu adeegaan bulshada Galmudug, oo ay ula shaqeeyaan laamaha kala duwan ee dowlad goboleedka Galmudug" ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.