Qarax ka dhacay caawa magaalada Muqdisho

Qarax gaari lala eegtay ayaa wuxuu ka dhacay meel u dhaw Isgoyska No. 4 ee magaalada Muqdisho

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay caawa magaalada Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax laga maqlay qaar kamida xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka dhacay meel u dhaw Isgoyska No.4 ee magaalada Muqdisho.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari uu leeyahay Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xundubey, ma jiro ilaa iyo hadda faah-faahin ku saabsan qasaaraha ka dhashay qaraxa, balse waxaa lagu soo warramayaa in gaariga uu marayay meel u dhaw Isgoyska No.4 una dhaxaysa isgoyska iyo halka lagu baaro gawaarida aadda Garoonka diyaaradaha ee aadan Cadde.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii la weeraray Hotel Afrik halkaasoo lagu dilay AUN Marxuum Maxamed Nuur Galaal, mas'uuliyiinta gobolka Benaadir iyo laama Amniga weli kama aysan hadlin weerarka Qaraxa gaariga lala eegtay Wasiirka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.