Qarax ka dhacay Koonfurta Soomaaliya

Mooto saddex lug leh ayay dadkan ku safrayeen, waxayna wadeen Qudaar kusoo jeeday magaalo ku taalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Koonfurta Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan shan ruux ayaa ku geeriyootay qarax Maanta gelinkii dambe ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe xili halkaasi uu ka socdo howlgal militeri.

Miino lagu aasay wadada dhinaceeda ayaa haleelay Mooto saddex lugood leh oo wadey dad iyo qudaar, taasoo ka timid degmada Balcad, kuna sii jeeday degaanka Garasweyne.

Dadka dhintay oo labo kamid ah haween ahaayeen, ayaa magacyadooda lagu kala sheegay:

1-  Hodan Xasan
2-  Cabdi Xukun
3- Taliye Nuur
4- Maxamad Rooble
5- Sahra Gacamey

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, oo kusoo aadaya waqtiga dalka doorasho ku jiro, islamarkaana ay ka socdaan qeybo kamid ah gobollada howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.