Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo

Qarax geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay caawa magaalad Kismaayo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo

KISMAAYO, Soomaaliya - Qarax noociisu yahay miino ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo gaar ahaan Gurig uu ka daggan yahay magaaladan wasiirka deeganka iyo dalxiiska Jubbaland Caydiid Suleebaan Xaashi.

Macluumaad ay Keydmedia Online ka heleyso ila wareedyo lagu kalsoonaan karo waxaa Qaraxa ku wax yeeloobay ilaaladii wasiirka, saddex kamid ah ilaalada wasiirka ayaa qarax ku geeriyootay iyadoo dhaawacna lagu sheegay in ay gaarayaan laba ruux oo iyagana kamida ilaaladii wasiirka, dhaawaca ayaana loola cararay isbitaalka magaalada Kismaayo.

Qaraxyada qorsheysan ee ka dhaca magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya waa kuwo inta badan lala beegsado mas'uuliyiinta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Ciidamada ammaanka ee Jubbaland ayaa wada baaritaanno la xiriira ciddii ka dambeysay falkan lagu khaarajin lahaa wasiirka, balse gallaaftay nolosha qaar kamida ilaaladii wasiirka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.