Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Juballand ee kismaayo ayaa sheegaya in uu caawa ka dhacay qarax dhawaqiisa laga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

KISMAAYO, Soomaaliya - Qaraxaan oo nuuciisu ahaa bumbo gacanta laga tuuray ayaa ka dhacay goob dadka shacabka ah ku caweeyaan.

Ilaa hadda inta la xaqiijiyay, Shan qof oo shacab ayaa ku dhaawacan tay weerarka caawa.

Ciidamada ammaanka Juballand ayaa magaalada ka wada baaritaano iyo dad qaqabsho ay ku baadi goobayaan ciddii falka fulisay.  

Magaalo madaxda gobolka Jubada Hoose ayaa ahayd mid ah goobaha ugu amniga fiican koofurta Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay, hayeeshee bilihii tagay amniga magaalada hoos ayuu u dhacay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.