Qarax ka dhacay Muqdisho iyo rasaas la maqlayo

Dadka degaanka Geed-jecel ayaa soo sheegay in rasaas mudo daqiiqado socotay laga maqlay goobta qaraxa, iyadoo cirka isku shareeray qiiq iyo uuro madow.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Muqdisho iyo rasaas la maqlayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamida Muqdisho ayaa dhacay goordhaw, waxaana loo maleynayaa inuu yahay mid loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo xiray.

Goobjooge ayaa sheegay in dhinaca Isbitaalka Xoogga, oo ku yaalla degmada Hodon laga maqlay qaraxa, iyadoo ay xigtay rasaas wali socota. Lama oga bartilmaameedka halka uu yahay iyo khasaaraha.

Fahfaahinta warkan, kala soco KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.