Qarax ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya

Kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada Kenya tan iyo markii Ciidanka KDF usoo tallaabeen xadka Soomaaliya 2011.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Kenya

NAIROBI, Kenya - Afhayeen u hadlay militeriga Kenya ayaa u sheegay Daily Nation in ugu yaraan 15 xubnood oo kamid ah Al-Shabaab ay ku dhinteen qarax ka dhacay gobolka Lamu.

 Esther Wanjiku ayaa sheegay in qaraxa miino uu ka dhacday abbaare 9:30 A.M. subaxnimo ee Isniintii  shalay inta u dhaxaysa Sarira iyo Ras Kamboni oo u dhow Ishakani, Lamu County.

Wuxuu sheegay in miinada ay la qaraxday Gaari ay saarnaayeen dagaalyahano katirsan Al-Shabaab oo kusii jeeday gobolka Boni, oo ah keymo ay ku dhuumaaleystaan gudaha Kenya.

Shalay ayay ahayd markii Al-Shabaab ay sheegatay weerar ka dhacay Kenya inay ku dishay 15 askari, waxaana soo baxaya in labada dhinac midba kan kale dusha u saarayo khasaaraha.

Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada Kenya tan iyo markii Ciidanka kDF usoo tallaabeen xadka Soomaaliya 2011, kuwaasoo gaaraya 4,000 oo askari oo hadda kamid ah AMISOM.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.