Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Qarax uu geystay qof nati-hallige ah ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan saldhigga Booliska degmada Xamar-weyne.
MUGDISHO, Soomaaliya - Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa sida la warinayo Jaakadii uu Qaraxa ku xirnaa ku tuuray meel udhaw Saldhiga Booliska ee Dagmada Xamar weyne.
Taliyaha ciidanka Booliska ee degmada Xamar-weyne ayaa ku dhaawacmay qaraxa, waxaana jira qasaaro kale.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ninka qaraxa tuuray ay Boolisku gacata ky dhigeen.
Xaaladda Amni ee Magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid faha ka sii baxaysa, waxaana bilihii danbe so kordhay qarax yada lala beegsanayo saldhigyada Booliska ee degmooyinka Gobolka Banaadir.
KEYDMEDI ONLINE
Add comment
Comments