Qarax Khasaare gaystay oo ka dhacay Degmada Bardaalle

Qarax khasaare xooggan gaystay ayaa maanta ka dhacay Degmada Bardaalle ee Gobolka Baay, waxaana dadka qaraxa ku dhintay ka mid ah askar boolis ah.

Warar Keydmedia Online
Qarax Khasaare gaystay oo ka dhacay Degmada Bardaalle

BARDAALE, Soomaaliya- Inta la ogyahaya 7-ruux oo ay ku jiraan ciidamo boolis ah ayaa ku geeriyooday qaraxa maanta ka dhacay Degmada Bardaalle, halka dhaawacuna uu kor u dhaafay 10 qof.

Qaraxa oo uu noociisu ahaa miinada dhulka lagu aaso, ayaa ka dhacay suuqa lagu iibiyo jaadka, waxana dadka dhintay u badnaa ganacsato qaadka iibineysay iyo ciidamo goobta ka ag-dhawaa.

Dhaawaca qaar ayaa loo qaaday Magaalada Baydhabo, iyadoo ay jiraan bukaanno ku jira xaalad halis ah, kuwaasoo uu firirku aad u waxyeelleeyey jirkooda.

Ciidamada booliska degmada Bardaalle ayaa xiray halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana guud ahaan joogsaday howlihii ganacsiga ee suuqaasi ka socday.

Xaaladda Degmada Bardaalle ayaa maanta aad u kacsan, mana jirto cid ilaa iyo iminka sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.

Hay'adaha amniga ayaa dhankood ilaa iyo hadda aanan ka hadlin qaraxa, hayeeshee, wararka la helayo yaa tilmaamaya in saacadaha lagu wado in ay la hadlaan warbaahinta.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 December 2021 10:33

Tallabooyinkaan oo dhan waxa ay daaha ka qaadayaan in Mareykanku ka cagajiidayo xasillinta siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, isla-markaana uu baasiin xaaladda ku sii bilbilayay ku dhawaad shanti sano ee la soo dhaafay, si uu difaac ugu noqdo Fahad Yaasiin.