Qarax lala eegtay Guddoomiye degmo oo Muqdisho ka dhacay

Qaraxii labaad ayaa laga maqlay qaar kamida xaafadaha magaalada Muqdisho, kaasoo sida lagu soo warramayo lala eegtay mid kamida guddoomiye yaasha degmooyinka gobolka Benaadir

Warar Keydmedia Online
Qarax lala eegtay Guddoomiye degmo oo Muqdisho ka dhacay

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxii labaad ayaa waxa uu hadda ka dhacay magaalada Muqdisho, qaraxa oo laga maqlay qaar kamida xaafadaha Muqdisho ayaa ka dhacay deegaanka Daaru Salaam ee magaalada Muqdisho.

Warar aanu helnay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha degmadda Yaaqshiid iyo Saraakiil Booliis ah oo la socotay lala beegsaday qaraxa, waxaa jira dhaawacyo soo gaaray ciidankii la socday guddoomiyaha iyo dad shacab ahaa oo goobta ku sugnaa, inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah u faah-faahisay.

Nuuca qaraxa lala eegtay guddoomiyaha ayaa ah miino la dhigay waddada dhinaceeda, waana qaraxii labaad oo isla saakay lala eegto mas'uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya kaasoo ka dhaca magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif  ayaa qaraxa la kulmay markii ay ka soo noqdeen Aaska AUN Aabaha Taliyaha Saldhiga booliska degmada yaqshiid oo ku geyriyooday Xaafada Ratiweyne ee degmada Yaaqshiid, waxaana guddoomiyuhu uu ka badbaadayaa qarax labaad iyadoo horraantii sanadkan lala eegtay qarax miino oo la dhigay laamiga dhinaciisa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.