Qarax lala eegtay wasiir ka tirsan Maamulka Puntland

Gaari ciidan ay saaran yihiin oo la socday wasiir ka tirsan maamulka Puntland ayaa qarax lagula eegtay deegaan ka tirsan gobolka Bari 

Warar Keydmedia Online
Qarax lala eegtay wasiir ka tirsan Maamulka Puntland

GAROWE, Soomaaliya - Gawaari galbineysay mid kamida wasiirada dowlad goboleedka Puntland ayaa qarax lagu aasay waddada bartamaheeda lagula eegtay deegaan lagu magacaabo Balli Dhidin oo ka tirsan gobolka Bari.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaadiid ay la socdeen Wasiirka Amniga Puntland Cabdi samed Maxamed Gallan iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan.

Gawaarida ayaa qarax miino loo dhigay, waxayna ka ambabaxeen degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari, hal askari oo ka tirsanaa ilaaladii la socotay wafdiga ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday gaabta iyadoo saddex kalena ay ku dhaawacmeen weerarka miinada ee lagu qaaday mas'uuliyiinta ka tirsan maamulka Puntland.

Marka laga soo tago askari ku geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmay, ma jiro wax qasaaro ah oo uu geystay weerarka lagu qaaday mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka Puntland, sidoo kale waxaa bur-buray gaarigii uu qaraxa qabsaday, inkastoo qaraxa kaddib la maqlayay rasaas ay rideen ciidamadii la weeraray, kuwaasoo ka baqanayay in qaraxa kaddib la bar-tilmaameedsado.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi samed Maxamed Gallan iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari, markii uu weerarku qabsaday waxay isaga carareen goobta, iyagoo dib ugu laabtay halkii ay markii hore kasoo ambabaxeen, wax war ahna kama aysan soo saarin weerarka lagu qaaday, laamaha amniga ayaan iyagana weli ka hadlin qaraxa lala eegtay mas'uuliyiinta maamulka Puntland. 

Qaraxyada nuucan oo kale ah ee jid-galka loo yaqaan ayaa waxaa inta badan geysta kooxaha ku-dhufo oo ka-dhaqaaqda lagu bartay ee Al-Shabaab iyo Daacis oo inta badan weerarro ka geysta gobollada maamulka Puntland ee buuraleyda u badan, ma muuqato wax horumar ah oo laga sameeyay dhinaca iska caabinta ciidamada dhuumaaleysanaya ee kooxaha Nabad-diidka loo yaqaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.