Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Qarax miino oo lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Garasbaaley ayaa ka dhacay degmada Garasbaaley ee gobolka Benaadir
MUQDISHO, Soomaaliya - Degaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay Qarax Miino oo lagu dilay Mas'uuliyiin, ilaallo la socotay iyo Darawalkooda.
Ugu yaraan 4 qof ayaa ku geeriyootay Qarax ka dhacay gudaha Garasbaaley, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa goobta, halkaas oo ay gaareen mar dambe Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Dadka weerarka ku dhintay waxaa kamid ah Cali Maxamed Macalin oo ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Garasbaaley, Cabdirashiid Dubad oo isna ahaa guddoomiyaha dhalinyarada iyo qofka ilaaladda katirsanaa iyo Darwalka gaariga u wadey.
Weerarada noocan ee lala eegto mas'uuliyiinta dowladda katirsan iyo Ciidamada ayaa kusoo kordhaya dalka, gaar ahaan Koonfurta, iyadoo Kooxda Al-Shabaab ay doonayso inay qalqal geliso amniga kahor doorashadda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments