Qarax iyo duqeyn ka dhacday Muqdisho

Muqisho(keydmedia) waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay qarax sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac kaasoo lala beegsaday ciidamada AMISOM ee taageera dowladda KMG ah.
News Keydmedia Online

Qaraxa ayaa ka dhacay jidka warshadaha waxaana lala beegsaday ciidamo kolanyo ah oo ka tirsan kuwa Burundi kuwaa oo marayay wadada, waxaana  qaraxa kadib ciidamada Burundi ay fureen rasaas xoog leh.

Qaraxa ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyoday 7 ruux oo rayid ah iyadoona 9 kale ay ku dhaawacmeen kadib markii ay fureen ciidamada Burundi ee qaraxa lala beegsaday rasaas xoog leh.

Ciidamada Burundi rasaas ay fureen qaraxa kadib ayaa waxaa ku geeriyooday 15 ruux iyadoona ay ku dhaawacmeen 40 kale gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada  Muqdisho

Ma jiro labada dhanba cid dhabarka u ridatay mas’uuliyadda dhibaatada shacabka gaartay ee dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana inta badan falalkani ay yihiin kuwa soo laalaabtay oo aan ilaa iyo hadda waxba laga qaban

Www.keydmedia.net