Qarax ka dhacay Jowhar

Jowhar (KON) - Qarax Xooggan oo laga maqlay Magaalado dhan ayaa Maantay ka dhacay Magaalada Jowhar, kaasi ay ku dhaawacmeen Saddex ruux.
Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Jowhar

Qaraxaan ayaa lala beegsaday mid kamid ah baabuurka Saraakiisha Dowladda hoose ee degmada Jowhar, Sida ay goobjoogayaal ay u sheegeen Wariyaha Keydmedia Online.

Qaraxan ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Gaweenay ku sugnayd gurigeeda oo ku yaal xaafada Kulmis.

Firirka ka baxay qaraxan oo u badnaa biro ayaa gaaray deegaano ka fog fog halka qaraxa uu ka dhaca

Magaalada Jowhar ayaa hore waxaa ugaga dhacay qaraxyo kuwaasoo badankood ahaa bambaanooyinka gacanta lagu tuuro waxayna qaraxyadaas dhacayeen xilliyada habeenkii ah.

Keydmedia Online - Xafiiska Jowhar




Warar 21 October 2020 9:51

Farmaajo ayaa qorsheynaya inuu xilka ka qaado taliyeyaasha Ciidamada Militeriga, Booliska iyo Asluubta, iyadoo sidoo kale isbedel lagu sameynayo talisyada laamaha Amniga degmooyinka Gobolka Banadir, sida ay ogaatay Keydmedia Online.