Qarax ka dhacay Jowhar iyo Dad la qab qabtay

Jowhar (KON) -Xili xalay Bambaanooyin lagu weeraray Saldhig Ciidamada Dowladda Soomaalia ay ku lee yihiin Degmada Jowhar ayaa Baaritaano ay sameyeen Ciidamada waxaa ay ku soo qab qabteen Dad badan.
Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Jowhar iyo Dad la qab qabtay

Ciidamada Milatariga iyo Nabad sugida Dowladda Federalka Soomaalia ee ka howlgala Degemada Jowhar ayaa Xabsiga dhigay 17-ruux oo lagu soo qabtay howlgal ay fuliyeen Ciidamada Dowladda ee Degmadasi.

Wararka laga helayo Jowhar ayaa sheegya  in Dadkaan ay gacanta ku dhigeen Ciidamad la geeyey Xabsiga dhexe ee Magaalada Jowhar,kuwaa oo lagu sameenayo baaritaano,

Mid kamid ah Saraakisha Ciidamada Nabada Sugida oo ay Keydmedia la hadashay ayaa sheegay in 17-ruux ee ay hayaan looga shakiyey in ay qeyb ka yihiin Dadka geysta falalka amaan xumo.

Waxaana baaritaanadaan Dadka lagu soo qab qabtay ay ku soo aadayaan xili Xalay tiro Bambaanooyin lagu garaacay Saldhig Ciidamada Dowladda Soomaalia ay ku lla haayeen  Jowhar.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho