Qarax ka dhacay ka dhacay Kenya

WAJEER (Keydmedia) - Wararka laga helayo Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Qarax Xooggan uu Xalay ka dhacay Magaalada Wajeer oo ku dhow Xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.
Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay ka dhacay Kenya

Goobjoogiyaal ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa Bom-ka Gacanta laga tuuro,kaasi oo lala eegtay Goob lagu caweeyo oo inta badan ay isugu yimaadaan Saraakiil Kenyan ah iyo dadka shacabka ah.

Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya oo ka gaabsaday Magaciisa ayaa sheegaya in Kooxaha weerarka gaystay ay wateen Mooto islamarkaana ay Bambo ku tuureen goobta lagu caweynayay halkaasi oo uu ku geeriyooday 1-Qof 3-kalane ay  ku dhaawacmeen kuwaasi oo ahaa dad rayid ah oo loo qaaday Xarumaha Caafimaad ee Degmada Wajeer.

Ciidamo ka tirsan Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa halkaasi gaaray, waxaana ay sheegeen inay bilaabayaan Howlgallo ka dhan ah Kooxahasi oo ay ku xaqiijinayaan Ammaanka.

Ma jirto Cid sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkaasi, hase ahaatee weeraradaani ayaa waxa ay qeyb ka noqonayaan kuwa inta badan ka dhaca dalka Kenya oo Saraakiishooduna ay ku eedeeyaan inay ka dambeeyaan Kooxda Al Shabaab ee Soomaaliya.

Keydmedia.net