Qarax ka dhacay Isgoyska Bakaaraha

Muqdisho (Keydmedia) - Afar askari oo ka tirsan ciidamada DKMG ee Soomaaliya ayaa ku geeriyootay, Lixkalenah dhaawac ayaa ka soo gaaray miino kula qaraxday isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Isgoyska Bakaaraha

Qaraxa ayaa yimid kaddib markii ciidamada booliska oo howlgal ka sameynayay isgoyska Bakaaraha ay wadada dhinaceeda ka soo saareen labo miino oo dhulka lagu aasay, kuwaas oo markii ay damceen inay qaadaanna ku qaraxday.

Waxaa hada xiran wadada isgoyska Bakaaraha iyadoo goobta ay joogaan ciidamo ka tirsan kuwa dowlada oo baaraya goobta.

Qaraxyada wadooyinka la geliyo ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho tan iyo markii magaalada laga saaray magaalada Muqdisho Shabaab.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho