Qarax ka dhacay Xarunta Shirka Ansaxinta Dastuurka

Muqdisho (Keydmedia Online) - Waxaa Daqiiqado kahor Magaalada Muqdisho gaar ahaan Halka uu ka dhacaayo Shirka lagu ansixinaayo dastuurka cusub ee Soomaaliya, ee Iskuul Buluusiyo ee degmada Xamar-jabjab ka dhacay Qarax Xoog leh.
Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Xarunta Shirka Ansaxinta Dastuurka

Goobjoogayaal ku sugan Xamar-Jajab ayaa Keydmedia Online u sheegeen in ey maqlayn qarax weyn uu ku tilmaamay in uu yahay mid is-miidaamin ah,

Guddoomiyaha degmada Xamar-jajab ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay, mid ka mid ah bar-kontroolada ugu horreeyay ee laga soo galo ilinka ugu horeeya ee Shirka, waxana uu sheegay in qaraxa wax yeelo soo gaarsiiyay gaari hoomeey ah oo goobta ku sugnaa, laakin khasaaraha uu geestay aan la ogeyn.

Wali lama oga siduu Qaraxa u dhacay iyo Khasaaraha ka dhashay meesha.

Faahfaahin kala soco Keydmedia Online

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho