Qarax lala eegtay Hay’adda ICRC oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Kismaayo (KON) - Qarax xoogan ayaa Goor-dhow laga maqlay bartamaha Magaalada Kismaayo, ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Warar Keydmedia Online
Qarax lala eegtay Hay’adda ICRC oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Wararka hordhaca ah ee Keydmedia ka helayso Kismaayo, ayaa sheegaya in Saakay uu Magaalada ka dhacaay Qarax noociisu ahaa Miinada Dhulka lagu aaso ee hago meela fog, kaasi oo lala eegtay Gaadiid Kolonyo ah oo ay leedahay Hay'adda ICRC, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeerta Cas.

Mid kamid ah Gaadiidka ICRC ayaa ku bur buray Qaraxa oo bartamaha Magaalada ka dhacay, iyadoo aan jirin wali wax war oo ku saabsan Khasaaraha Weerarka uu sababay.

Goobjoogiyaal ayaa u sheegay KON in Dhawaqa Qarax uu ahaa mid Shacabka Magaalada ka maqleen Goobo fog, waxaana hadda soconaya Baaritaano & Gurmad loo fidinayo Dadkii la socday Gaadiidka Hay'adda, oo aan lakala ogaan inta uu la egyahay Khasaarahooda.

Lama oga in Gaadiidka ay la socdeen Shaqaale Ajnabi ah oo Hay'adda kamid ah & inkala, Laakiin wax walba Saacadaha soo socda ayay kala cadaan doonaan.

Keydmedia.net kala soco Fah-Faahinta Insha Allah!

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho