Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Tirada Dhimashada ayaa la sheegayaa iminka in ay gaareyso 85 qof oo isugu jirta arday, waalid, shaqaale dowladeed iyo askar intuba, waxaana tirada dhaawaca ay ku dhaawacmay dad tiradooda ay kor u dhaafeyso 200 oo qof.
Duniya cali max'ed oo ka tirsan Saraakiisha isbitaalka Madiina ayaa u sheegtay keydmedia xafiiska Muqdisho in isbitaalka Madiina maanta uu qaabilay 150 qof oo ka tirsan dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi isla markaana 30 ka mid ah dib loo celiyay halka 120 qof iminka isbitaalka ay jiifaan.
Dr C.qaadir C.raxmaan xaaji Aadan oo ka tirsan isbitaal banaadir ayaa isagana dhanka kale sheegay in isbitaal Banaadir la gaarsiiyay 50 qof dad ka badan kuwaasoo qaarkood ay xaaladooda culustahay isla markaana iminka lala tacaalayo.
Kooxda xag jirka ah ee shabaab ayaa ku faantay dhiiga umada Soomaaliyeed, waxaana ay sheegeen in ay fuliyeen wax ay ugu yeereen qarax barakeysan oo qeyb ka ah wax ay shabaabka u yaqaanaan Jihaadka balse ah talaabo Dalka iyo diintaba lagu waxyeelayo.
Keydmedia.net
Add comment
Comments