Qeylo-dhaan ka dhan ah boobka doorashada oo is-qabsatay

Musharixiinta kursiga oo ay ku jirto Faaduma Aadan Jeelle, shir jaraa’id oo ay ku qabteen Dhuusamareeb, waxa ay xaqiijiyeen in Qoorqoor ku war galiyay inuu HOP104, kula heshiiyay Cawad.

Warar Keydmedia Online
Qeylo-dhaan ka dhan ah boobka doorashada oo is-qabsatay

MUQDISHO, Soomaaliya – Qeylo-dhaan ayaa ka billaabatay degaannada laga daah-furay doorashooyinka Barlamaanka 11-aad ee JFS, kadib markii boob qawan lagula kacay kuraasta, isla-markaana jid-gooyooyin loo dhigtay qaar ka mid ah Musharixiinta.

Galmudug, waxa ay si cad ugu tumatay qodobbo ka mid ah xeerarka doorashada, waxa ay Saraakiil ciidan guddoonsiisay shahaadada musharraxnimo, halka baratamayaal shuruudaha buuxiyay laga hor istaagay tartanka kuraasta.

KURSIGA HOP104;

Kuraasta tirsigoodu yahay HOP026 iyo HOP104, oo birre la qarsheeyay in doorashadoodu ka dhacdo Dhuusamareeb, ayaa loo kala xiray, Yuusuf Geelle Ugaas, [Dhagey] iyo Mahad Cabdalla Cawad, waxaana si bareer ah loo hor istaagay musharixiintii kale ee kuraasta.

Sida ay sheegeen, wax-garadka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda beesha [Saleebaan Cabdalle, Dir] oo leh kursiga HOP104, Qoorqoor iyo Farmaajo, ayaa iska kaashaday boobka kursiga, waxaana kala shaqeynaya guddoomiyaha guddiga doorashada heer Galmudug, Guuleed.

Musharixiinta kursiga oo ay ku jirto Faaduma Aadan Jeelle, shir jaraa’id oo ay ku qabteen Dhuusamareeb, waxa ay xaqiijiyeen in Qoorqoor ku war galiyay inuu HOP104, kula heshiiyay Cawad, macquulna aysan ahayn in musharrax saameyn leh la tartamo.

Mahad Cabdalla Cawad, oo muddo dheer xubin ka aha Baarlamaanka Federaalka, oo ka mid ah shaqsiyaadka ku daaban Farmaajo, ayaa la filaya in Arbacada, qaab gacan taag ah, uu kaga soo baxo Caasimadda Galmudug.

KURSIGA HOP067;

Sida ay Keydmedia Online hore u baahisay, Qoorqoor ayaa Yaasiin Farey u boobaya Kusiga HOP-067, wuxuuna jid-gooyo u dhigtay dhamaan musharixiinta rasmiga ah ee kursiga, kuwaas oo shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay in Madaxtoyada Galmudug, HOP-067, u boobtay Kooxda Farmaajo.

Fahad iyo Farmaajo ayaa doonaya in dhamaan eedeysanayaasha u adeegayay ay ku daraan baarlamaanka 11-aad ee JFS, si ay kaga gambadaan gacmaha sharciga, waxayna Muqdisho ka daad-gureeyen ciidan ka tirsan NISA, oo ergo ahaan u dooranaya Farey, oo ku eedeysan khaarijinta Ikraan Tahliil.

HOP-067, waxaa leh, beesha Macalin Dhiblaawe, Waceysle, Abgaal, waxaana Baarlamaankii 10-aad ku fadiyay Cabdullahi Cali Axmed [CADDOW CALI GEES],  hayeehsee, sanadkaan kuma jiro musharixiinta.

Boobka kursigaan, ayaa waji hor leh u yeeli kara hannaanka hadda wax ku socdaan, waxaana la fiayaa in ay ka dhalato fal-celin xooggan.

KUSIGA HOP233;

Axmed Cismaaan Diiriye, ayaa maanta la sheegay inuu ku guuleystay kursiga HOP233, kadib doorasho ka dhacday dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye, oo ay ka dhaceyso doorashada xubnaha baarlamanka kasoo galaya gobollada waqooyi.

Hayeeshee, Muno Cali Cabdullahi iyo Cabdixakiin Maxamuud Colaad, oo ka mid ah mushariinta is-diiwaan galiyay ee shahaadada tartanka heystay ayaa qaadacay natiijada doorashada, waxayna Mahdi Guuleed, ku eedeeyeen in uu ergo ka dhigay shaqsiyaan aan heybta kursiga ka mid ahayn.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta, ayaa durba billaabay in ay ka hor yimaadaan qaabka ay ku billaabatay doorashada Golaha shacabka, waxayna Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta lagu dhaleeceeyay xalaaleynta boobka kuraasta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.