Qoor-qoor iyo Guud-laawe oo la kulmay Mucaaradka

Kulan u dhaxeeyay Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Galmudug iyo HirShabeelle iyo  xubno ka tirsan Golaha Midowga Murashixiinta ayaa xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Qoor-qoor iyo Guud-laawe oo la kulmay Mucaaradka

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa xalay casho sharaf gurigiisa ugu sameeyay Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle, Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoor-qoor’ iyo Cali Cabdullaahi Xuseen ‘Guud-laawe’ iyo xubno sar-sare oo ka tirsan Golaha Midowga Murashixiinta.

Shirkaan waxaa lagu gorfeeyay, sidii ay u mira dhali lahaayeen dadaallo uu hormuud u yahay Qoor-qoor, oo lagu doonayo in Saamileyda siyaasadda la isku soo dhaweeyo, ka hor inta aan la xaadirin shirka Wada tashiga qaran.

Midowga Murashiinta, waxa ay Qoo-qoor iyo Guud-laawe, la wadaageen talooyinkooda ku aaddan sida looga gudbi karo marxladda kala guurka, waxayna mar kale u dhiibeen tabashooyinka ay qabaan.

Kulankaan ayaa daba socday shir ay shalay Madaxweynayaasha Shanta Maamul Goboleed ku yeesheen caasimadda, kaas oo laga muujiyay isku dhawaansho iyo tanaasul labada dhinac ah.

Madaxweynayassha Maamullada, GM, HSH iyo KG, oo dhawaanahaan shirar aan rasmi ahayn la lahaa Mucaaradka iyo Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa hadda u muuqada in dadaalkoodu mira dhali karo, waxayna Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ku qanciyeen in ay ka qeyb galaan shirka Wada tashiga bartama todobaadkaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.