‘Qoor Qoor’ oo Nairobi kula kulmay Saraakiil ka tirsan Imaaradka

Kulankaan oo ahaa mid aan horey loo shaacin ayaa ka dhacay Hotel ku yaallo garoonka diyaaradaha Juma Kenyatta, waxaana Qoorqoor uu la kulmay Saraakiil uu hor kacayay Xuseen Darwiish Al-Shamsi oo ah Madaxa Mukhaabaraadka Imaaraadka u qaabilsan Geeska Afrika oo sidoo kale ah sii Hayaha Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
‘Qoor Qoor’ oo Nairobi kula kulmay Saraakiil ka tirsan Imaaradka

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye 'Qoor-qoor' ayaa xalay kulan qarsoodi ah magaalada Nairobi kula yeeshay Saraakiil ka tirsan Imaaradka Carabta, sida ay KEYDMEDIA ONLINE u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Kulankaan oo ahaa mid aan horey loo shaacin ayaa ka dhacay Hotel ku yaallo Garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta, waxaana Qoor-qoor uu la kulmay Saraakiil uu hor kacayay Xuseen Darwiish Al-Shamsi oo ah Madaxa Mukhaabaraadka Imaaraadka u qaabilsan Geeska Afrika oo sidoo kale ah sii Hayaha Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

Kulankaan ayaa lagu soo waramayaa in looga hadlay sidii ay Galmudug xiriir cusub ula yeelan laheyd AUE, islamarkaana uga heli laheyd taageero dhinaca dhaqaalaha, tababarka ciidamada, iyo dhismo Mashaariic oo ay qeyb ka tahay Dekadda Hobyo oo horay dowladda Qatar u balan qaaday balse ka gaabisay.

Macaaluumaad ay heshay Keydmedia Online ayaa sheegaya in balamo hore ay jireen, kuwaas oo ahaa in madaxweyne Qoor-qoor iyo saraakiisha Imaaraadka isku arkaan Jabuuti, balse Imaaraadka ka cudur daartay, kulanka loo wareejiyo Nairobi, taasoo keentay in Qoor-qoor uu shalay safar deg deg ah Muqdisho kaga baxo.

Liibaan Tahliil oo ah ganacsade Soomaali ah ayaa la sheegayaa in uu yahay masuulka u kala dab qaadayo xiriirka labadaan dhinac, waxaana durbaba soo baxaya shaki laga qabo isfahamkaan, maadaama Dowladda Soomaaliya iyo UAE aanu cilaaqaad fiican ka dhxeynin tan iyo markii dalka laga ceyriyay 2018.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa hadda xiriir toos ah la leh Dowladda Immaaradka Carabta, waxaana UAE lagu eedeeyaa in ay faragelin ku heyso arrimaha siyaasadda Soomaaliya, iyadoo kala dulaaleyso siyaasiyiinta Soomaalida.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.