Qoorqoor oo ka dagay Dhuusamareeb

Madaxweynaha dowladda goboleedka Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa ku laabtay xarunta maamulkaasi ee Dhuusamareeb

Warar Keydmedia Online
Qoorqoor oo ka dagay Dhuusamareeb

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowalad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhusamareb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Nuur gacal, qaar ka mid ah xildhibaanada iyo wasiirada Galmudug.

Axmed Qoorqoor isagoo dhowraya Dastuurka Galmudug ee ah inuusan madaxweynaha ka maqnaan karin deegaanada Galmudug muddo 45 cisho ah ayaa ku laabtay xarunta maamulkaasi ee Dhuusamareeb.

Qoorqoor ayaa dib ugu soo laaban doona magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo wadahadallada udhaxeeya madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe iyo gobolka Benaadir.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.