Qoor-Qoor oo soo magacaabay guddigii doorashada ee laga sugayay

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo gudbiyay liiska xubnaha laga bedelay guddigii doorashada ee cabashada laga keenay.

Warar Keydmedia Online
Qoor-Qoor oo soo magacaabay guddigii doorashada ee laga sugayay

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, ayaa soo magacaabay liiska xubnaha laga bedelay guddigii doorashada ee cabashada laga keenay, kuwaas oo laga sugayay muddo todobaad ah.

Xubnaha la soo bedelay ayaa ah afar xubnood oo ku jira Guddiyada heer Dowlad Goboleed SEIT iyo xubin ka tirsan Gudiiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dalka.

Xubnaha uu Madaxweynaha Galmudug soo magaacabay ayaa kala ah; 1- Yahye Cismaan Gedi, 2- Mahad Abdullahi Mahamud, 3- Hawo Adan Yare Culusow iyo xubinta Guddiga Xalinta Khilaafaadka, oo loo soo magacaabay Ayan Abdirahman Mahamud.

Galmudug ayaa noqotay Maamulkii ugu danbeeyay ee soo badala guddigii dib loo celshay ee cabashadu ka jirtay, waxaa magacaabiddan imaaneysaa kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, habeen ka hor uu khatka taleefanka kula hadlay Qoorqoor.

Waxaa wali taagan qanaaco la’aan ku aaddan habka guddiga uu Rooble magacaabay u kala shaandheeyeen Guddiga Doorashooyinka cabashada laga qabay, waxaana laga dalbaday in ay soo bandhigaan hab-raacyada ay mareen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.