Qoor-Qoor oo tababar u soo xiray ciidamo Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ayaa maanta tababar u soo xiray ciidanka Daraawiishta Galmudug ee ku sugnaa xerada Dhaan-karoone ee duleedka magaalada Galinsoor.

Warar Keydmedia Online
Qoor-Qoor oo tababar u soo xiray ciidamo Galmudug

GALINSOOR, Soomaaliya - Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo dhawaan la dhisay ayaa si is daba jog ah u soo qalin jabinaya iyagoo kuwaani noqonayaan dufcadii sedexaad ee soo qalinjabisay kadib tababar socday muddo dhowr bilood ah.    

Dhawaan ayay ahayd markii qayb ka mid ah ciidamadaan ay ka gadoodeen xeradaan ay ku xareysnaayeen, isla markaana ay jid-gooyo dhigteen duleedka magaalada Galinsoor.

Galmudug waxaa dhawaan la filayaa in ay ka bilaawdaan howlgallo waawyn oo ka dhan ah Kooxda Al-shabaab oo heysata deegaano badan oo ka mid ah dhulka maamulka Galmudug.

Ciidamadan ayaa sida la sheegay qeyb ka noqon doona howlgalada la doonayo in lagu sugayo amniga  deegaanada Galmudug.

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, ayaa isku dayaya inuu dhidibada u taago guud ahaan ciidamada Galmudug, hayeeshee ilaa hadda ma jiro hoowlgal muuqda oo uu ka fuleyay deegaanadaas

Tan iyo markii Qoorqoor loo doortay Madaxweynaha Galmudug 2 Febraayo 2020, majiro dagaal toos ah oo Galmudug ku qaaday deegaanada Al-Shabaab heystaan.

  KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.