Qorshaha Fahad iyo Farmaajo ee kursiga Muuse Suudi

Fahad iyo Farmaajo, waxa ay qarash kasta u huri doonaan, in ay Muuse, ka guuleystaan, si ay kursiga u saaraan Cabdullaahi Sheekh Xasan, oo kaba-qaad u ah Madaxtooyada.

Warar Keydmedia Online
Qorshaha Fahad iyo Farmaajo ee kursiga Muuse Suudi

JOWHAR, Soomaaliya - Fahad iyo Farmaajo oo bishii November 2020, sifo sharci darro ah, kursiga Madaxweynaha Hirshabeelle, ugu fariisiyay Cali Guudlaawe Xuseen, si uu uga shaqeeyo soo laabashadooda doorashada Dowladda dhexe, ayaa ku hungoobay in ay hirgaliyaan damacoda koobaad oo ahaa in Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, laga reebo tartanka kuraasta Aqalka Sare.

Sida ay Keydmedia Online baahisay 26 August 2021, Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, ayaa ku gacan seyray dalab uga yimid Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, oo ahaa inuu tartanka kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS, ka reebo Xaaji Muuse Suudi, hayeeshee, ugu danbeyn waxaa la isla ogolaaday in baratanka kursigaas lagu daro siyaasi ka socda Madaxtooyada.

Kooxdaan Aargoosiga u saaxiibka ah, ayaa aad u dhibsatay hadallada kulkulul ee Sanatar Muuse, waxayna kursigaan u soo sharaxeen Cabdullaahi Sheekh Xasan, oo ka mid ah shaqsiyaadkii afarta sano u adeegayay Farmaajo, isla-markaana garab taagnaa muddo kordhintii sharci darrada ahyd ee April.

Cabdullaahi Sheekh Xasan, oo ay garab socdaan, wakiillo Villa Soomaaliya u dhiibatay lacagtii lagu boobi lahaa kursiga Muuse matalayay, ayaa dhawaan gaaray Xarunta Goblka Shabeellaha dhexe ee Jowhar, wuxuuna halkaas kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa.

Xaaji Muuse, ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa Sanatarkii ugu miisaanka cuslaa, Sideedda sanatar ee laga soo doorto Jowhar, afartii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna door muhiim ah ka ciyaaray is hor istaaggii muddo kordhintii uu Farmaajo sameystay bishii April ee Sanadkaan.

Shalay ayuu isna ka degay Jowhar, wuxaana si weyn u soo dhaweeyay bulshada magaalada oo si aan gambad lahayn uga mahad celiyay shaqadii uu degaanka uu matalo iyo guud ahaan dalkaba u qabtay afartii sano ee na-weydaaratay.

Cali Guudlaawe, oo fahansan in kusiga Xaaji Muuse, uu yahay midka ugu misaanka culus beeshiisa, ogna in indhaha lagu wada haayo, ayaa la filayaa inuu saaccadaha soo socda soo saaro liiska musharixiinta Sideedda kursi ee Aqalka sare ee laga sugayo Jowhar.

Fahad iyo Farmaajo, waxa ay qarash kasta u huri doonaan, in ay Muuse, ka guuleystaan, si ay kursiga u saaraan Cabdullaahi Sheekh Xasan, oo kaba-qaad u ah Madaxtooyada.

KEYDMEDIA ONLINE  

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.