Qorshaha Farmaajo iyo xulufadiisa ee shirka Dhuusamareeb

Madaxweynaha iyo maamulada Hirshabeelle, K/galbeed iyo Galmudug ayaa la sheegayaa in ay ku heshiiyeen in ay isku aragti ka noqdaan shirka Dhuusamareeb. 

Warar Keydmedia Online
Qorshaha Farmaajo iyo xulufadiisa ee shirka Dhuusamareeb

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Dhuusamreeb ee caasimadda Galmudug, waxaa labo cesho ku sugan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxda maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug oo marti loo yahay, waxaana la sheegayaa in ay kulamo gaar gaar ah yeesheen saacadihii la soo dhaafay.

Kulamadaan ayaa la sheegayaa in lagu gorfeeyay xaaladda guud ee siyaasadda dalka, gaar ahaan hirgelinta qorshooyin lama taabtaan ah ay miiska soo saaratay, Villa Somalia, kuwaas oo ay rabto in ay kula shir tagto shirka Dhuusamareeb 3 oo haatan caqabado ku gedaamanyihiin.

Xog ay heshay Keydmedia Online ayaa sheegeysa in madaxweyne Farmaajo iyo madaxda xulufada la ah ee Hirshabeele, Koofur Galbeed iyo Galmudug ay ku heshiiyeen qorshaha muddo kororsiga ay wadato madaxtooyada Soomaaliya,

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu madaxda maamulada ee saaxiibka dhow la ah ka dhaadhiciyay, hirgelinta arinta muddo kororsiga, islamarkaana ay aqbaleen, waxaana sidoo kale la sheegayaa in madaxweynuhu balan qaadyo u sameeyay maamulada la dhacsan.

Arintaan ayaa dabo socto kadib shirar ay horey ugu yeesheen magaalada Muqdisho, waxaana lagu heshiiyay in isku aragti laga noqdo marka uu furmo shirka Dhuusamareeb 3, islamarkaana lagu adkeysto in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, una baahan muddo kororsi.

Lama oga waxa uu noqon doono qorshahaan ka dhanka ah madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ka biyo diidan ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb 3, waxaana xusid mudan in durbaba Puntland soo saartay bayaan shuruudo tixan ah ay ku ku xireyso ku biiridda shirka Dhuusamareeb 3.

Madaxtooyada Soomaaliya iyo baarlamaanka oo isku dhinac ah ayaa dedaal ku bixineyso herginta nidaamka muddo kororsiga, haseyeeshee waxaa biyo diidan Beesha Caalamka, mucaaradka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.