Qurbajoogta Beesha Sade ee Waqooyiga Mareykanka oo Baaq kasoo saaray Kismaayo

Moqadisho (KON) - Kulamo isdaba joog ah oo ay todobaadyadii lasoo dhaafay qad Taleefan ku yeesheen qurbajoogta beesha Sade ee ku dhaqan Waqooyiga Mareykanka kana soo jeeda gobolada Jubbooyinka ayaa waxay si qota dheer uga hadleen arrimo dhowr ah oo la xariira maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka.
Warar Keydmedia Online
Qurbajoogta Beesha Sade ee Waqooyiga Mareykanka oo Baaq kasoo saaray Kismaayo

1. Kenya waxay intii muddo ahba ku mashquulsaneyd sidii ay dhulkeeda ugu dari laheyd, isla markaana u boobi laheyd qayraadka faraha badan ee ceegaaga dhul badeed ka tirsan Koofurta Soomaaliya ee biyaha gobolada Jubbooyinka.

Ayada oo shirkadaha ajnabiga ah ee arrintaas ku gacansiinayayna ay ka mid yihiin: Anadarko oo ay Kenya u xilsaartay in ay shidaal ka baarto Block L5, Total: Block L22, ENI: Block L21, L23, L24 iyo Statoil: Block L26. (Eeg masawirada hoose oo muujinaya qaybaha biyaha gobolada Jubbooyinka ee ay Kenya intii muddo ahba ku hamineysay in ay dhulkeeda ku darsato.)

Halkaan ka sii Aqriso Warbixinta

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho