Rooble ‘waxaan hoggaamin doonaa geeddi-socod doorasho oo xor iyo xalaal ah’

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta soo saaray qoraalka faafinta iyo dhaqangalinta heshiiskii siyaasadeed ee la xiriiray doorashooyinka 2020/2021 oo ay 1-dii October gaareen Madasha Qaranka.

Warar Keydmedia Online
Rooble ‘waxaan hoggaamin doonaa geeddi-socod doorasho oo xor iyo xalaal ah’

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta soo saaray qoraalka faafinta iyo dhaqangalinta heshiiskii siyaasadeed ee la xiriiray doorashooyinka 2020/2021 oo ay 1-dii October gaareen Madasha Qaranka.

Hadal kooban oo uu jeediyay ayuu Ra’iisul Wasaara Rooble ku sheegay in  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo eegaysa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin xalaal ah oo daahfuran dalka ka dhacaan, ay ku wargalineyso dhammaan hay’adaha kala duwan ee qaranka ee ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka iney waajibaadka kaga aaddan u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashooyinka ee lagu heshiiyey.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo eegaysa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin xalaal ah oo daah furan dalka ka dhacaan, waxay ku wargalineysaa dhammaan hay’adaha qaranka ee ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka inay waajibaadka kaga aaddan u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashooyinka ee lagu heshiiyey”

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale u mahad celiyay dhamaan madaxda maamulada gobolka Banaadir iyo Galmudug ee marti geliyay shirarkii go'aanka wada ogolka ah lagaga gaaray doorashada 2020/21.

Ugu dambeyntii Ra'iisul Wasaaraha ayaa yiri "Aniga iyo xukuumaddeydu waxaan hoggaamin doonaa geeddi-socod doorasho oo xor iyo xalaal ah, daahfuran, kuna dhacda si nabad ah Doorasho2020/21".

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.