R.wasaare Sharmar’ke “Xukuumada waan isku dhafay”

R.wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Sharmar'ke ayaa sheegay inuu isku dhaf ku sameeyay golahiisa wasiirada iyadoona maalmihii aynu soo dhaafnay ay arimahaasi socdeen
Warar Keydmedia Online
R.wasaare Sharmar’ke “Xukuumada waan isku dhafay”

Waxa uu daboolka ka qaaday in ay xaqiiq tahay isku dhafka golaha wasiirada isagoona dhanka kale xusay in iminka liiska wasiirada cusub uu u gudbiyay Madaxweyne Shariif isla markaana xili dhaw uu filaya inuu saxiixo.

Waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in Madaxda Dowlada ay isku maandhaafsantahay arinta wsiirada cusub, walow aanu soo hadal qaadin cabashada ka soo yeertay Ahlu-suna ee ku aadan isku dhafka Wasiirada.

Dhawaan ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo wasiirada cusub, laakiin su'aasho waxa ay tahay isbadal intee la eg ayeey keeni karaan, maadaama Wasiiradii hore wax howl qabad ah oo muuqda laga waayay.

www.keydmedia.net




Warar 19 January 2022 16:49

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee masuulka ka ah hirgalinta hannaanka doorashooyinka dadban, ayaa qeylo-dhaan ka muujiyay habka loo maamulay mid ka mid ah kuraasta Aqalka hoose ee taalla Puntland.