Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Mid Booliska Nairobi u hadlay oo lagu Magacaabo Moses Nyakwama ayaa sheegay inay isku dayayaan sidii ay ku xakameyn lahaayeen rabshadaha socda.
Saciid M. Hassan oo ka mid ah Cuqaasha Xaafadda Eastleigh ayaa Keydmedia u sheegay in Dad fara badan oo u Garanayo Jeebo lagu Boobay ayaadoo Bolisku ku Edeynayaan in ay ka dambeeyeen Rabshadaha iyo Amnidarada oo wajahday Dalka Kenya.
Haoyo Aamino oo ka mid ah laf Dhabarka Dumarka ka Ganacsatada Suuqa Weyn ee Gaarisa Looj ayaa Keydmedia u sheegtay inay aragtay Dhallinyaro sitay Baangado, Biro Tuubooyin ah iyo Dhagaxyo waaweyn oo ay soo weerareen Suuq waxayna u socdeen in ay Dhacaan Burburiyaan Hantida halkaas taalay.
Qaraxyo iyo Dilal ayaa ka socda Dalka Kenya intii ay Ciidankeeda Kenya Qabsadeen Magaalada Kismaayo ayagoo Faraqa ku sita Maleysiyo Beeleed. Waxayna inta badan falalkaas lagu Eedeyaa Dad Taabacsan Kooxda al-Shabaab.
Keydmedia.net
Add comment
Comments