Rag kiis kufsi ah u xirnaa oo lasii daayay

Degaanada Puntland ayaa ka dhacay falal kufsi oo aad u fool xun, oo qaar lagula kacay caruur aan qaan-gaar ahayn, oo ugu dambeysay Caasha Ilyaas Aadan oo kufsi iyo dil loogu geystay waqiiyiga Gaalkacyo.

Warar Keydmedia Online
Rag kiis kufsi ah u xirnaa oo lasii daayay

GAROWE, Puntland - Maxkamad ku taalla Garowe ayaa sii daysay 6 nin, oo mudo bilooyin ah u xirnaa kufsiga gabar lagu magacaabi jiray Hodon Shanlayste sanadkii lasoo dhaafay ee 2019.

Hodon Shanlayste ayaa inta la kufsaday kadibna bac inta madaxa loo geliyay lagu dilay, waxaana shaqsiyaadka lasii daayay ay ahaayeen kuwii booliska usoo qabteen falkaasi kufsiga ah, oo qoyska gabadha sugayeen cadaalad.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.